Weftigii Madaxweynaha Somaliland oo Sheegay in aanay Soomaaliya Waxba Yeelaynin Cilaaqaadka ay la Yeelanayaan Guinea

0
874

Conakry,(HargeisaPress) —Weftigii  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ee booqashada ku joogay magaalada Conakry ee dalka Guinea ayaa sheegay in aanay dawladda Muqdisho waxba u dhimi karin cilaaqaadka iyo iskaashiga u bilaabmay dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo jamhuuriyadda Guinea.

Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa sheegay in dawladda Itaalka daran ee Soomaaliya ay imika uun ku soo baraarugtay iskaashiga ay Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay dalal badan oo caalamka ah.

Wasiir Faratoon wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu la kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda Guinea Alpha Conde oo ay  ka wada hadleen qoddobo badan oo ay labada dal iska kaashan doonaan. Waxa kaloo uu xusay in Weftiga Madaxweyne Muuse ay is arkeen masuuliyiin badan oo ka tirsan Xukuumadda Guinea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxuu Xukuumadda Farmaajo ku tilmaamay mid iyada la ilaaliyo oo aan wax yeeli karin Somaliland iyo dalalka kale ee ay xidhiidhka diblomaasiyadeed la sameynayso.

Wasiir Faratoon waxa kaloo uu u mahadceliyey Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan gobollada dalka ee soo dhaweeyey isla markaana garab istaagay socdaalka Weftiga Madaxweynuhu ku tagay dalka Guinea.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here