Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Farac Cusub Ka Furanaya Burco + SAWIRRO

0
771

Burco (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa shaaciyay in dabayaaqadda sanadkan magaaladda Burco laga furi doono Farac ka mida machadka tababarka shaqaalaha dawladda.

Farxaan Aadan Haybe, waxa uu sheegay in iyadoo la isku lamaaneeyay machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka iyo machadka tababarka shaqaalaha dawladda ee Hargaysa la isla qaatay in bisha 8aad ee sanadkan magaaladda Burco laga furo machadkaasi.

Iyadoo faracaas cusub ee machadka tababarka shaqaalaha dawladda iyo ka dawladaha hoose ee Somaliland oo la isku lamaaneeyay ee laga furi doono Burco loogu tallo-galay in ay ka faa’iidaystaan shaqaalaha dawladda ee goboladda bariga ee Sool, Sanaag iyo Togdheer.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo muddo laba maalmood ah safar shaqo ku joogay magaaladda Burco, ayaa sidan ka sheegay kadib kulan uu maanta magaaladda Burco kula qaatay  isu-duweyaasha wasaarradaha dawladda ee ka hawl gala gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxaa kulankaasi goob joog ka ahaa badhasaabka Togdheer, maayarka Burco iyo xubno ka tirsan golaha degaanka magaaladda Burco.

Kulankaasi  markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay waxyaabihii lagaga wada hadlay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, badhasaabka Togdheer iyo  xildhibaan Bidhi oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Farxaan Aadan Haybe, ayaa ugu horayn faahfaahin ka bixiyay arrimihii  ay kaga wada hadleen kulankii uu la qaatay isu-duweyaasha gobolka iyo maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmadda Burco iyo sidoo kale wakhtiga la furi doono faraca cusub ee machadka tababarka shaqaalaha dawladu Burco ku yeelanayo.

Waxaanu yidhi “Waxaan isla eegnay suurto-galnimadda sidii Burco looga hirgelin lahaa machadka tababarka shaqaalaha dawladda iyo machadka tababarrada shaqaalaha dawladda hoose oo isku lamaan.

Runtii arrintani dedaal  badan ayay ku timid. Dedaalkaasina waxaa hormood ka ahaa madaxweynaha  jamhuuriyadda Somaliland.  Machadkaasi hal-bawle iyo muhiim ayuu u yahay goboladda Bariga. Waxaana isticmaali doona goboladda Bari ee saddexda ah, Sool, Sanaag iyo Togdheer, ayaan ugu tallo galnay in ay ka faa’iidaystaan.

Maadaama machadkii tababarrada dawladaha hoose lagaga dhawaaqay Hargaysa, isla markaana aanu ku lamaanaynay machadka tababarka shaqaalaha dawladda ee Hargaysa, waxaa khasab ah in labadu ay isku lamaanaadaan”.

 

Waxaanu intaas raaciyay “Si shaqaalihii dawladaha hoose-na ay uga faa’iidaystaan. Waayo? Isku u jeedo iyo isku adeeg ayuun baynu wada leenahay, taasoo ah in dalka la horumariyo, qarankeenuna taabo-gallo.

Intaas ayuu safarkaygan Burco daaranaa. Shalay hawsha waanu dhamaynay, maanta-na waxaanu halkan isugu yeedhnay isu-duweyaasha wasaarradaha ee Burco ka hawl galla. Waxaanan iska waraysanayay xaaladda shaqaalaha iyo duruufaha ku xeeran.

Wixii cabasho ama tabasho iyo dareen ah ee ay hay’adda shaqaalaha dawladda u soo gudbinayaan, maadaama ay shaqaalaha guud ka mid yihiin”ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland.

Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, ayaa isna halkaas ka sheegay in ay soo dhawaynayaan in Burco laga furi doono qayb ka mida machadka tababarka shaqaalaha dawladda.

Xamse Maxamed Cabdi, oo ka warbixinayay  kulankii ay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda la yeesheen, waxa uu yidhi “Waxaa shalay iyo maanta-ba booqasho inagula joogay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, hawsha uu u socdaana waxay tahay in aanu iska waraysanay, isla markaana uu noo balan qaaday in bisha 8aad  dugsigii tababarka laga furi doono magaaladda Burco.

Dugsigaasi oo loogu tallo galay  saddexda gobol ee bariga. Togdheer, Sool iyo Sanaag. Waan soo dhawaynaynaa, waana balan qaadkii madaxweynaha Somaliland markii uu safarka shaqo Burco inoogu yimid waxxyaabihii aan waydiisanay am aka codsanay ayay ka mid ahayd”.

Geesta kale xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco, isla markaana ku hadlayay Af-ka maayarka ayaa ka hadlay nuxurka waxyaabihii kulankaasi ka soo baxay iyo kaalinta ay ka dawlad hoose ahaan ka qaadanayaaan hirgelinta faraca cusub ee machadkaasi.

“Waa war farxad leh, in guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda uu balan qaaday in  bisha 8aad ee sanadkan magaaladda Burco laga furi doono qayb ka mida machadka tababarka shaqaalaha dawladda.

Anigoo ku hadlaya magaca golaha degaanka Burco iyo ka maayarka ba, waan soo dhawaynaynaa tallaabadaasi. Waanan uga mahad naqaynaa guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland”ayuu yidhi xildhibaan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Anaga ka dawlad hoose ahaan intii nagaga soo hagaagtay sidii maayarkuba balan qaaday, waan dhamaystiraynaa ka hor mudadda aan la furin machadka tababarka shaqaalaha dawladda”.

HargeisaPres.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here