Weftiga Madaxweyne Biixi Oo Lagu Soo Dhaweeyay Tokhoshi Lawyocade iyo Saylac

0
663

Lawyocade (HP):Wefti uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland oo safar shaqo ku joogay dalka Jabuuti ayaa maanta u soo gudbay dhinaca xadka labadda dal.
Waxaanu weftiga madaxweynaha Somaliland oo socdaal dhinaca dhulka ah ku soo galay ay soo mareen deegaamadda Saylac, Tokhoshi iyo Lawyacade.
Kuwaasoo dhamaantoodba ku yaalla xuduudka u dhexeeya Somaliland jamhuuriyadda Jabuuti.
Iyadoo weftiga madaxweyne Biixi aya deegaamadaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen dadweynuhu.


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad u jeediyey shacbigii ku soo soo dhaweeyey Saylac, ayaa uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.
Waxaanu ka hadlay u jeedadda safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti oo uu tilmaamay inuu soo kormeeray meello badan oo dalkaasi Jabuuti ka tirsan.
Madaxweyne Biixi, waxa uu sheegay inuu soo kormeeray dekadaha Obolh iyo Toojara ee dalka Jabuuti kuwaasoo uu ku soo arkay horumar aad u weyn oo ka socda.
Geesta kale madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay sida ay bulshadda reer Jabuuti ugu mashquulsan yihiin sidii ay bulshooyinka caalamka ula jaan qaadi lahaayeen.

Daawo: Khudbadii Madaxweyne Biixi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here