Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Xeerka Aasaaska Haayadda Caymiska Qaranka

0
958

Hargaysa (HP): Xildhibaanadda golaha wakiiladda Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka aasaaska haayadda Caymiska qaranka ee Somaliland.
Fadhiga maanta ee golaha oo ay fadhiyeen 44 xuldhibaan, waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax.
Markii codka ansixinta loo qaaday aasaaska xeerka haayadda caymiska qaranka waxaana ogolaaday 33 xildhibaan.
10 xildhibaan ayaa diiday, cid ka aamustayna ma jirin, guddoomiyuhuna ma codaynin.
Sidaas ayaanu ku ansaxay xeerka aasaaska haayadda caymiska qaranka.


Qaab dhismeedka haayadda Caymiska qaranka ayaa ka koobnaan doona guddiga hogaaminta, guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, waaxyo iyo laamo heer gobol ah.
Magacaabista guddigaasi iyo haayadda caymiska qaranka ayuu madaxweynuhu ku soo saari doonaa xeer madaxweyne.
Sida uu sheegay xoghayaha guud ee holaha Wakiiladda oo ka hor intii aan codka ansixinta loo qaadin mudaneyaasha u akhriyay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here