Weftiga Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Addis Ababa

0
330

Addis Ababa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa gaadhay caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Waxaana madaarka caalamiga ah ee Bole International Airport kusoo dhaweeyey saraakiil sar sare oo ka socota dawladda federaalka ah ee dalka Ethiopia.


kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda dawladda Federal-ka Ethiopa Axmed Shide, iyo wasiirudawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Mr. Redwan Hussein.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Mr. Abiy Ahmed, ayaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa.


Waxaana loo gudbiyey qolka VIP-da ee madaarka, halkaas oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen, waxana intaas kaddib lagu gelbiyey gaadiidka lagu soo dhaweeyo wufuudda dalkaas timaadda, kuwaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa u qaaday goobtii loogu talo galay.
Mudane Muuse Biixi iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona saraakiisha ugu sarraysa ee dawladda Ithiopia muddada ay safarka ku joogaan caasimadda Addis Ababa.
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

DAAWO: Muuqaalka Qaabkii Addis Ababa loogu soo dhaweeyay weftiga madaxweyne Biixi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here