Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furay Shirweynaha Waxbarashadda

0
332

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka daah-furay shirweynaha waxbarashadda Somaliland ee heer qaran.
Waxaana si rasmiya shirweynahaasi u daah-furay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland masuuliyiinta dawladaha hoose ee dalka.


Haayadaha caalamiga ah ee la shaqeeya wasaaradda waxbarashadda Somaliland, qaar ka mid ah haayadaha waddaniga ah, masuuliyiinta jaamacadaha dalka, dugsiyadda dalka ka jira, iyo bahda kale ee waxbarashadda.
Shirweynahani oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa mudadda uu socdo waxaa lagaga arrinsanayaa horumarinta qaybaha kala duwan ee waxbarashadda dalka.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo hadal ka jeediyay furitaanka shirweynahaasi ayaa wasaaradda waxbarashadda Somaliland ku bogaadiyay qabashadda shirkaasi lagaga tashanayo horumarinta waxbarashadda dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedadda loo qabtay shirweynaha waxbarashadda qaranka.
Dhinaca kale waxaa shirweynahaasi qayb ka ahaa qalin jebinta laba dufcadood oo ka qalin jebiyay kulliyada tabobarka macallimiinta qaranka ee jamhuuriyadda Somaliland.


Labadaas dufcadood ayaa kala ahaa dufcadda ku jirta hawlaha shaqo ee waxbarashadda qaranka iyo sidoo kale dufcad loo tababarayo macalimiinta uu qaranku u qaadan doonno.
Waxaanu madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), shahaadooyin guddoonsiiyay labadaasi dufcadood ee ka qalin jebiyay kulliyadda tababarka macalimiinta qaranka.

DAAWO: Khudbadii Madaxweyne ku-xigeenka:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here