Sool: Maamulka Gobolka iyo Ka Degmadda Laascaanood Oo Daah-furay Biyo Dhaamiska

0
427

Laascaanood (HP): Maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood ayaa maanta daah-furay biyo dhaamiskii ay guddiga abaaraha qaranka Somaliland ay ugu tallo gashay gobolka Sool.
Waxaana hawsha biyo dhaamiska wada jir u daah-furay guddoomiyaha gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, iyo maayar ku-xigeenka magaaladda Laascaanood Axmed Kawte, iyo masuuliyiin kale.
Iyadoona gaadiidka biyo dhaamiskaasi lagu fulinayo oo ah Booyaddo maanta loo kala diray deegaamadda gobolka Sool, isla markaana ay deegaamadda qaarkood isla maantaba gaadheen.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here