Wefti Ka Socda UK oo Kulan La-Yeeshay Wasiirro Ka-Tirsan Xukuumadda Somaliland

0
1482

Hargeysa (Hargiasa Press)- Xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socday baarlamaanka dalka UK.

Wasiirradaasi waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, iyo Wasiirka Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Weftigaasi waxaa hogaaminaysay MP Alicia Kaearns, oo ah Gudoomiyaha Guddida Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Ingiriiska.

Waxaa kale oo ka mid ahaa weftigan ka socday baarlamaanka Ingiriiska Mp Rushanara Ali iyo xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL ayaa warbixin ka siiyey weftiga xalaada guud ee nabad-geliyada Somaliland oo ah mid ku taagan tiirar adag.

Iyadoo nabad-geliyada Jamhuuriyadda Somaliland ay macno wayn ugu fadhido nabadda geeska Afrika.

Geesta kale weftiga iyo wasiirrada ayaa ka wada hadlay xidhiidhka Dawladda Somaliland iyo dawladda Ingiriiska, ka dhexeeya kaasoo ah mid soo jireen ah.

Doorashooyinka, Dumuqraadiyada, Isbedelka Cimilada iyo xoojinta xidhiidhka labada dalka ayaa laga wada hadlay.

Kulankan waxaa wasiirada ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil, iyo masuulin kale oo ka mid ah wasaaradda Arrimaha gudaha, iyo xukuumadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here