Wefti Ka Socda Dawladda Djibouti Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay + SAWIRRO

0
868

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta  iyo Dhaqanka Dawladda Jabuuti Mudane Aadan Xasan Aadan ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland. Weftiga waxaa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland.
Weftigan ayaa ujeedada socdaalkooda ku sheegay ka qayb galka Munaasibad lagu furayo Xarun Dawladda Kuwait duleedka Hargeysa  uga dhistay Caruurta Agoomaha ah. Wasiirka Diinta ee Hogaaminaya weftigan ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ku amray inay ka soo qayb galaan Munaasibadan balse aanay wax Marti qaad ah ka helin Somaliland.
“Horta waan idiinka mahadcelinaynaa soo dhawayntan Diiran ee Walaaltinimada leh ee Madaxdii Somaliland oo tiro badani nagu soo dhawaysay.Waxay na dareensiinaysaa walaalnimada labadeena Shacab iyo labadeena Dawladood. Marka hore waxay ahayd wax waajib ah inaad na soo Casuuntaan. Waxa kale oo iyana waajib ahayd inaanu ka soo jawaabno.
Runtii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, oo Somaliland iyo Soomaaliba meel wayn kaga taalo, arimaha noocan ahna aad u dhiiri galiya ayaa markiiba amar nagu siiyay inaanu idin kala soo qayb galno Munaasibada Barito, aadna waanu ugu faraxsanahay inaanu nimaadno.
Mida labaad Mashruuca Furitaankiisa Bari loo balansan yahay, wuxuu ka hirgalay Jabuuti,wax weyna wuu ku soo kordhiyay,Nimanka Reer Kuwait ee Hawshaa xambaarsana, waxay la yimaadeen hab cusub oo ka duwan hababkii hore ee Hay’addaha Samafalku wax u samayn jireen.wuxuu Mashruucaasi ku salaysan yahay in Dadka wax la baro,Caafimaadkooda la dhawro, la baro Xirfad, waxaana taageero siiya marka Jabuuti la joogo Madaxweynaha, idinkana waxaanu idinka codsanaynaa inaad Taageero siisaan” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti.
Bari ayaa la filayaa in Xadhiga laga jaro Xarun balaadhan oo Dawladda Kuwait Duleedka Bari ee Hargeysa uga dhistay Caruurta Agoomaha ah, halkaasi oo looga dhisay Xarun Casri ah oo balaadhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here