Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo ka Waramay Socdaalkiisa Berbera Iyo Burco

0
811

Berbera, (HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenkak Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo ilaa galabnimadii Khamiista ku sugnaa Magaalada Berbera ayaa kadib markii uu maanta Bulshada kula tukaday Berbera Salaadda Jimcaha waxa uu ka waramay u jeedada socdaalkiisa, waxaanu sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho kormeerista Mashruuca Maamul daadejinta ee Dawladdaha hoose, kaasi oo lagu tijaabinayo hanaanka maamul daadejineed ee Gobolada iyo Degmooyinka horaantiisana ay qaateen Burco,Berbera iyo Saaxil.
“Waxaan u soo baxay inaan saddexda Degmo ee Berbera iyo Burco Kormeer Hawleed ku soo maro, hawlahaas oo khuseeye Mashruuca loo yaqaano GPLG-ga iyo Maamul daadejinta oo ka socda Degmooyinka  Berbera,Burco iyo Boorama oo qaatay tijaabadii u horaysay ee Maamul daadejinta Somaliland.”ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku.
Mudane Saylici waxa kale oo uu Tacsi u diray wax laga xumaadana ku tilmaamay hal ruux oo ku geeriyooday Shil baabuur shalay galinkii dambe ka dib markii ay isku dhaceen Gaadhi Shacab ah iyo mid ka mid ah Kolonyada Baabuurta ah ee Madaxweyne xigeenka. Waxa uu bulshada ku booriyay inay Madaxdooda Ixtiraamaan markay jidadka marayaan si looga bedbaado halista Kolonyada wada socota ee Baabuurtu leedahay.

 

HargeisaPress News Desk – Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here