Weerar Lagu Qaaday Guri Uu Ku Sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya

0
686

Gaalkacyo (Hargeisa Press) – Hal askari ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhawacmeen oo uu ku jiro taliye ku-xigenkii qaybta booliska gobalka Mudug ee dhanka Puntland Cabdisiciid Xuseen Jaamac weerar caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada booliska ee maamul goboleedka Puntland, ayaa weerar ku qaday guri ay ku sugnayeen wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse iyo nabaddoono.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa ku dhawacmay weerarka nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa odayaal iyo siyaasiyiin shir ku lahaa halkaasi.

Werarkan, ayaa imanaya kadib kulan maanta ka dhacay Gaalkacyo kaas oo laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay ka yeesheen inaan Gaalkacyo lagu qaban karin kulamo siyaasadeed oo lagaga soo horjeedo hoggaanka Puntland.

Ma cadda waxa uu ku saabsanaa kulanka ka dhacayay guriga la weeraray.

Weerarkan, ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii Nabadoon Yaasiin uu baaq u jeediyay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Deni in uu wareejiyo xilka madaxweynenimada Puntland, maadaama uu isku soo sharaxay xilka madaxtinimada Soomaaliya. 

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad, ayaa siyaasad ahaan dhaliil badan u jeediyay Madaxweyne Saciid Deni, isagoo ku eedeeyay inuu sifo sharci daro kaga tegay Puntland isagoo aan xilka wareejin, wuxuuna sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu xilka la wareegi doono, kadibna la dooran doono madaxweyne cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here