Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Gobolka Awdal oo War Ka Soo Saaray Saami Qaybsiga iyo Wada-lahaanshaha Dawladnimada Somaliland

0
905

Boorama (Hargeisa Press)– Siyaasiyiin ,madax dhaqameed iyo aqoonyahanka reer Awdal ee Somaliland ayaa xalay shir ay iskugu yimaadeen kaga hadlay saami qaybsiga kuraasta iyo wada lahaanshaha dawladda Somaliland.

Kulankan oo ay sheegeen inuu gunaanad u yahay kulamo hore ugu soconayay goobjoogna ka ahaayeen madax dhaqameed uu hogaaminayo Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil , siyaasiyiin ka kala tirsan xisbiyada siyaasada Somaliland , Wasiiro hore , xildhibaano katirsan Baarlamaanka Somaliland iyo golaha deegaanka Borama, aqoon yahan iyo dhalinyaro oo dhamaantood kasoo jeeda gobolada Awdal iyo Salel ayaa kadigay in doorashooyinka fooda inagu soo haysa sidaa lagu galo saami qeybsi la’aan iyo in dhaqaalaha iyo saamiga xilalka Somaliland loo sinaado oo wixii ay tabayaan la saxo.

War- murtiyeedkan ka soo baxay waxgaradka gobolka Awdal ayaa u qornaa sidan:

1. in madaxweynaha talada dalka haya looga fadhiyo inuu diyaariyo madal loo dhan yahay oo lagaga wada tashanayo saami qaybsiga dawladda Somaliland.

2. Illaa la sugo wadda lahaanshaha dawladda Somaliland lagama qaban karo doorasho gobolada Awdal iyo Selel.

3. Wadamada daneeya Somaliland waxaanu ka codsanaynaa in war-murtiyeedkaasi si dhow ula socdaan oo fiiro gaar ah u yeeshaan

Kulankan iyo fariinta kulamaan ee tabashada ayaa kusoo beegmaysa xili madaxweyne Biixi kusii jeedo magaalada Boorama ee gobolka awdal halkaasoo 11 bishan lagu wado inuu kaga qeyb galo munaasibada qalinjabinta ardeyda jamacada Camuud.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here