Akhriso: Saddex Arrimood oo Uu Daarnaa Safarkii Madaxweyne Biixi Ee Jabuuti

0
839

Dibouti (Hargeisa Press)- Madaxweyne Geelle si heer sare ah ayuu usoo dhoweeyey Madaxweyne Biixi, si uu iskugu soo dhoweeyo shacabka Somaliland oo baryahan la moodo inay lumayso taageeradii ay u hayeen madaxweynaha Jabuuti.

Jabuuti waa dadka iyo dalka ugu dhow Somaliland iyo Somalia, haseyeeshee marna ma ogola in Somaliland madax banaanato iyo inay la midoobo toonna, labada midna dani uguma jirto.

Hadii madax banaanato Somaliland waxa xidhiidhi galaysa dekadda Jabuuti iyo dalkiisa, hadii labadda dal midoobaanna waxa ka go;aya mashaariicdii uu ku qaadan jirey heshiishiinta Soomaalidda oo inta badan uu caalamka usoo bandhigo inuu yahay shakhsiga kaliya ee heshiishiin kara Soomaalida, waxaanu hadda wada kaalintii ay Itoobiya ku lahayd Soomaalidda maadaama oo ay meesha ka baxday xukuumadii adkaa ee gacanta birta ah ku haysey Itoobiya, taas ayaa fursad siisay Geelaha Jabuuti, waxaanu is bidayaa inuu ka waayo aragsan yahay kana siyaasiyadsan yahay hogaanka cusub ee Itoobiya.

Saddex ujeedo ayey daaran tahay kulanka Geelle iyo Biixi

  1. Ujeedda kowaad waa inuu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Somalia, isla markaana uu doorkaasi uu qaato, waana sababta uu todobaad gudihii uu ugu yeedhay labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland.
  2. Ujeedadda labaad waa ciidamada loo samaynayo Badda Cas ee dalalka bariga Afrika iska kaashanayaa, taas Somaliland muhiim u tahay maadaama oo badoodda ilaashan karaan oo ciidamo ku filan leeyihiin.
  3. Ujeedadda 3aad, waa wadadda Lawyo Caddo ee Itoobiya isku xidhaysa oo uu aad u danaynayo, taas oo faa’iido badan u leh dekadda Jabuuti.

Qodobkan u dambeeya waxay muhiim u tahay Jabuuti, hore waxay Itoobiya ka quudin jirtay dhinaca Diridhaba oo tareenno iyo gaadiidkaba u marin jirtay alaabta uga soo dega dekada Jabuuti.

Jidka labaad ee Lawyo-caddo waxa uu quudin karaa dhul aad u balaadhan oo Itoobiya ah, waana fursad labaad oo hadii jidkaasi hirgallo dhaqaale badan u keenaysa Jabuuti, waxaanu jidkaasi xidhaya ama suuqeeda yaraynayaa dekada Berbera ee dhulka Soomaalida iyo Oromada quudin jiray.

Sababta dekada Jabuuti markii hore wax badan uga soo degi waayeen waxay ahayd waddo la’aan, meeshuna waa buuro gaadiidka waaweyn halis ku galin jirtay marar badana ku dhhici jireen jidka rafka ah ee Lawyo caddo ka timaadda.

Hadii Somaliland dhexdeeda usoo dhexmarto jid ku xidhaya Itoobiya iyo Jabuuti,isla markaana dekadda Jabuuti ka weyn tahay ka Berbera oo mar walba Madaxweynaha Jabuuti u fikirayo sidii dekadiisu u noqon lahayd mid Dubia-ga Afrika u noqon lahayd, dekadaha gobolkuna oo ay ugu dhowdahay ta Berbera u siqiirin lahaa.

Dekada Berbera waa mid nasiib badan oo ilaahay dhigay Istaatijiyad ku haboon, haseyeeshee intii ay jartaya Jabuuti marna may ogolayn inay noqoto dekada shaqaysa oo xidhiidhi galisa dekadeedda.

Tusaalle, Dhowaan bay ahayd markii nin ganacsade ahi igu yidhi Koontiinar iga soo degay dekadda Jabuuti waxa kastamka Lawyo caddo loogu cashuurey mid ka yar tii loogu cashuurey kastamka Berbera ku yaalla, labada cashuuroodba waxa ka wada qaaday kastamka Somaliland, waxaanu is dheeraayeen toban milyan oo Shiling Somaliland, ku darso isku alaabna way saarnaayeen.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here