“Waxaanu Taageersan Nahay In Togdheer Iyo Awdal Kuraasida Wakiiladda Loogu Qeybiyo Natiijada Diiwaan-gelinta”

0
897

Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Ku Baaqay In Dimuqraadiyadda Somaliland La Taabo-geliyo, Balse Aan Dib Loo Noqon

 

Burco (HargeisaPress) — Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Xildhibaanadda Golaha deegaanka degmadda Burco, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dimuqraadiyadda Somaliland la sii taabo-geliyo oo aan dib loogu noqon in wax lagu qeybsado beelo.

 

Xildhibaanka oo ka wakiil ahaa Golaha deegaanka Burco, waxa uu sidaasi ka sheegay kulan xog ururin ah oo ay Guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee wakiiladdu ay ku qabteen magaaladda Burco, oo ay ku ururinayaan macluumaad la xidhiidha arragtida bulshadda ee saami-qeybsiga gobollada ee 82-ka kursi ee aqalka wakiiladdu ka kooban yahay.

 

Guddidan oo safar shaqo ku maraya gobolladu waxay gacanta ku hayaan xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha wakiiladda oo wali qabyo ah.

 

 

Xildhibaan Mubaarig oo ka hadlayay marxaladihii Somaliland soo martay waxa uu yidhi “Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan oo mid waliba daruufaheeda lahayd. Waxa kale oo aynu soo marnay oo halkan aynu maanta joogno ku soo gaadhnay doorashooyin kala jaad-jaad ah haddii ay noqoto tu madaxweyne, Golaha wakiiladda iyo Goleyaasha deegaankaba. Waxaynu ka soo marnay qaab beeleed oo aynu ka soo gudubnay. Golihii deegaanka ee kuwayagan hadda ka horeeyay waxay ku yimaadeen liis, annaguna waxaanu ku soo baxnay doorasho uu codbixiyuhu dooranayay murrashaxa uu doonayo. Madaxweyneyaashii dalka soo marnay qaarna waxay ku soo baxeen doorasho shir beeleed ah, kuwa kalena waxay ku soo baxeen.”

 

“Waxa aan jecel nahay diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha  ee gobollada qaar galeen, kuwana gelayaan lagu xisaabtamo oo saami qeybsiga kuraasida baarlamaanka taas lagu salleeyo. Waayo waynu ka soo gudubnay shir beeleed,”ayuu yidhi Xildhibaanku, waxaanu intaas ku kabay   “Waxaan guddidan Wakiiladda ee xog ururinta wada u sheegayaa inaynu hore u soconno oo aynaan dib u soo noqon. Shir beeleedkii waynu ka soo gudubnay. Waa inaynu ku sii soconnaa oo adkaynaa hanaankan dimuqraadiyadda oo xataa suurto-gal ay noqon kartaa in la helo murrashax madaxweyne oo aan xisbi ka socon ee madax-banaan.”

 

 

Xildhibaanku waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo hadalo hore uga soo yeedhay badhasaabka Awdal  iyo mayarka Boorama oo Sheegayay in labadaas gobol wax loogu qeybiyo tirada ay ka kala helaan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

 

 

“Anigoo Guddoomiyaha Golaha degaanka Burco ka wakiil ah  waxaanu taageersan nahay in sida loo kala cod bato lagu saleeyo saami-qeysiga kuraasida Baarlamaanka. Ma burinayo waanan soo dhaweynayaa hadalkii hore uga soo yeedhay badhasaabka Awdal ee la xidhiidhay In Awdal iyo Tog-dheer ay ku kala helaan  siday diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha u kala bataan taas ayaan ku qanacsan nahay. Komishankanka

 

 

Doorashooyinkana waxaan ku boorinayaa inay ku dhawaaqaan  natiijadii diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Togdheer,”ayuu ku dooday Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here