Madaxweyne Geelaha Djibouti Oo La Sheegay Inuu Dacwad Ku Oogayo Shabakada Facebook

0
768

LONDON, (HargeisaPress) — Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay inuu Maxkamadda Sare ee dalka Ireland oo ku taalla magaalladda Dublin u gudbinayo qoraal ka dhan ah Shirkadda Facebook oo ka mid ah Isku-xidhka Warbaahinadda ay Bulshadda ku xidhiidhaan.

 

Wargeyska Toddobaadlaha ee The Sunday times ee dalka Britain ayaa shaaciyay inuu Madaxweynuhu qarka u saaran yahay inuu Dacwadaasi u gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dublin, inkastoo aanay kala caddayn waxa uu Madaxweynuhu ku dacwoonayo.

 

Madaxweynaha Djibouti waxa uu kireystay Kooxda Qareenadda  ee Johnsons oo fadhigeeda ku yaallo magaalladda Belfast ee dalka Waqooyiga Ireland.

 

Paul Tweed oo xubin ka ah Qareenadda Johnsons waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo, wuxuuna ku gaabsaday inay noqon karto mid aan munaasab ku ahayn in sidaas la sameeyo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here