Soo Dhowayntii Maamulka Gobolka Togdheer Ku Qaabileen Faysal Cali Waraabe Oo Banaanka Keentay Qorshayaasha Lagu Minjo Xaabinayo Xisbiga Ucid..!

0
924

Burco (HargeisaPress) —Maamulka Gobolka Togdheer iyo hawlwadeenada laamaha dawlada ayaa maanta ka qayb qaatay soo dhoweynta wafti ballaadhan oo uu hoggaamiyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo booqasho ku jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Sidoo kale, soo dhoweynta waftiga Ucid ee uu horkacaayo Faysal Cali Waraabe waxa lagu arkaayey gaadiidka dawlada oo si toosa uga qayb qaadanayey, kuwasoo kaga horyimi waftiga duleedka kaantaroolka laga galo magaalada Burco.

438a06c1-f1c9-4a5c-a15d-73c65f990d30

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo ay hareero joogan Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Qabo iyo sidoo kale, saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga Xukuumadda ee Kulmiye ayaa ka sii shaqeeyey soo dhoweynta waftiga Faysal, kuwaasoo hal-hal laabta u geliyey Gudoomiyaha, iyadoo maamulka gobolka Togdheer ay lahaayeen marti qaadka uu gobolka ku jooga hoggamiyaha xisbiga Ucid.

29bebbc4-6dbb-481e-9269-d522ca585be8

Geesta kale, tallaabadan uu maamulka gobolka Togdheer maanta kusoo dhoweeyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, ayaa badka keeneysaa tuhunno hore oo sheegeyey cilaaqaadka ka dhexeeya xukuumada Kulmiye iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, oo mudooyinkii uu danabeyey gacan saar siyaasadeed lahaa.

f592161c-c81a-4cb7-b717-aebfb27745d6

Arrinta ayaa qayb ka ah, Qorshayaasha lagu minjo xaabinaayo Xisbinimada Xisbiga Ucid iyo dagaal siyaasadeed oo lagu hayo Musharraxa da’da yare e Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayey arrintani xidhiidh la leedahay, sida ay tilmaamayaan muuqaalada laga dheehanayo soo dhoweynta waftiga Ucid.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here