“Waxaanu maalin kasta dadweynaha kala hadli doonaa xanuunka Covid19”….

0
860
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye

Hargaysa (HP): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in si maalinle ah ay bulshadda ugala hadli doonto wixii jira iyo waxyaabaha soo kordha ee la xidhiidha xanuunka Corona Virus.

Tallaabadani ayaa imanaysa iyadoo shalay ay wasaaradu shaacisay in labadii qof ee u horeeyay oo qaba xanuunka Covid19 laga helay dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay si joogto ah maalin kasta dadweynaha ula hadli doonaan.

Dr. Xergeeye, waxa kaloo uu sheegay in ay diyaariyeen goobaha loogu tallo galay in lagu dabiibo dadka uu haleelo Covid19.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here