“Waxaan qabaa walaalaheena Somaliland waa in ay Garoowe yimaadaan oo ay”…

0
553
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland

Garoowe (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa mar kale ku celiyay baaq nabadeed oo ku aadan Somaliland.

Kaasoo ah  in ay doonayaan in ay Garoowe gogol u dhigayaan wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.

Siciid C/laahi Deni, waxa uu sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay in uu marti geliyo wadahadaladda u dhexeeya jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda federaalka Soomaaliya.

Inkastoo Puntland ay hore u qaadacday guddi uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, u magacaabay wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.

Iyadoo Puntland markaas ku dooday in iyaga-na xubno lagaga soo darro guddiga wadahadaladda ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeedinayay munaasibad lagaga doodayay dimoqraadiyadda iyo dib u heshiisiinta oo maanta lagu qabtay xarunta jaamacadda BSU ee magaaladda Garoowe.

Inkstoo uu caqabad dastuurka federaalka hor taagan ku tilmaamay qiritaanka ah in ay Somaliland tahay dal ka madax banaan Soomaaliya.

Waxaanu yidhi “Arrinta Somaliland iyo Soomaaliya, iya-na waa caqabad kale oo hor taagan dastuurka. Anigu sidaas u dhigi maayo Somaliland iyo Soomaaliya wax la yidhaahdo. Sida qodobka (entity-gu) u jiro.

Laakiin, anigu waxaan qabaa, walaalaheena goboladda Woqooyi jira ama maamulka Somaliland, waa in ay iyagu-na Garoowe yimaadaan, oo ay doodda ka qayb qaataan, oo doodda ay qabaan ay soo dhawaystaan”.

Geesta kale madaxweyne Siciid C/laahi Deni, ayaa bulshadda Puntland ku booriyay in aanay ka cabsan wixii wadahadal ah ee jira, haddii kale se loo arkayo in aanay xujo cad haysan.

“In aan doodeena dhiibano, oo aan dadka la hadalno, kama baqano. Dadka reer Puntland waxaan ku boorinayaa in aanay wadahadalka ka baqan, haddii ay xujo fiican haystaan. Haddii kale, waxaan u muuqanaynaa dad aan xujo haysan”ayuu yidhi madaxweynaha Puntland.

Waxa kaloo uu  carabka ku dhuftay in dariiqii loo maray aasaaskii dawladnimadda Puntland  uu si aan mugdi ku jirin u qeexayo xuduudaheedda. Waxaanu yidhi “Dawladda Puntland aasaaskeedii iyo marxaldii loo maray iyo dadkii aasaasay iyo xuduudaheedu, wax mugdi ah oo ku jiraa, ma jiraan. waanay cad yihiin” ayuu yidhi Deni.

Dhinaca kale hadalkan madaxweynaha Puntland ayaa imanaya xili uu laba todobaad ka hor sheegay in ay doonayaan in wixii khilaaf ah ee ka dhexeeya Somaliland lagu xaliyo wadahadal.

Hase yeeshee waxaa hadalkiisa mid munaafaqnimo ah ku tilmaantay Somaliland, kadib markii laba maalmood uun wakhti laga joogo uu dagaal degaanka Hadaftimo ku dhex maray ciidamadda Somaliland iyo kuwa Puntland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here