Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Oo Abaal-marrinno Guddoonsiiyay Shaqaalihii Ugu Wanaagsanaa Sanadkii 2021-ka

0
237

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa abaal-marino guddoonsiiyay shaqaalihii ugu wanaagsanaa wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka sanadkii tegay ee 2021-ka.


Munaasibad balaadhan oo shaqaalahaasi lagu abaal marinayay oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guleed.
Agaasimaga guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawlada Somaliland Khaalid Qodax, guddoomiyaha Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Somaliland Dayib Aadan Xaaji Cali.


Agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta AIDS-ka Axmed Cabdi Ismaciil, Maareeye ku-xigeenka madbacadda qaranka ahna ku simaha Maareyaha Cabdicasiis Jaamac Cali, shaqaalaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha, isu-duweyaasha wasaarada xidhiidhka goleyasha ee goboladda dalka iyo marti sharaf kale.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa kaloo uu sheegay in shaqaalaha la abaal-mariyay aanay sharaf u ahayn oo keliya wasaaradda xidhiidhka goleyaasha, balse ay tahay guul qaranku gaadhay.

DAAWO: Khudbadii Wasiirka:


Geesta kale waxaa iyadna halkaasi hadal ka jeedisay agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf.

DAAWO: Hadalkii Agaasime Deeqa:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here