Xisbiga WADDANI Oo Soo Dhaweeyay Qarraarka Maxkamadda Sare

0
589

Hargaysa (HP): Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa soo dhaweeyay qarraarka ay maanta maxkamadda sare ee Somaliland ka soo saartay furista ururadda siyaasadda.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo qaraarka Maxakamadda Dastuuriga ahi ay dib ugu celisay dacwaddii xildhibaannada.
Taasoo baa uu yidhi sidii aannu hore ba u sheegnay ahayd mid waddadeedii sharci laga duway, isla markaana ay waafaq san tahay dhaqangalka Xeer Lr 14/2011.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan soo dhaweynayaa qaraarka Maxakamadda Dastuuriga ahi ay dib ugu celisay dacwaddii xildhibaannada. Taasoo sidii aannu horeba u sheegnay ahayd mid waddadeedii sharci laga duway.
Waxaa kale oo aan waafaqsanahay dhaqangalka Xeer Lr 14/2011, kaas oo golihii hore soo saaray kuna saxeexanyahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Madaxweynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Siilaanyo.
Nuxurka Qaraarka Maxakamadda:
1. Dacwaddii 46ka xildhibaan way laashay.
2. Waxay ayidday xeerkii dhaqangalka ahaa.
Waa Ilaahay mahaddii, waxaanan u arkaa in Maxakamaddu ka joogsatay shirqoolkii laga soo abaabulay Madaxtooyada ee sharcidarrada ahaa. Mar kastana waxaannu diyaar u nahay in aannu u hoggaansanno Shuruucda dalka, Maxkamaddana waan ku bogaadinayaa in ay sharciga ilaaliso, shaqadeedana ku ekaato.
Waa guul, waxaanan leeyahy dhammaan taageerayaasha Waddani iyo guud ahaan bulshadda Somaliland: Sharcigaa inoo ballan ah”.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Hirsi Ali Hassan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here