“Xisbiga WADDANI garan maayaan dariiqii adkaa ee qarankan loo soo maray”…

0
434

Hargaysa (HP): Xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo xukuumadda madaxweyne Biixi, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay maxkamadda sare ka soo saartay arrinta furista ururadda siyaasadda ee Somaliland.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba soo dhawaynayaan qarraarkii ay shalay maxkamadda sare ee ka soo saartay furista ururadda.
Maxamed Kaahin Axmed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu tilmaamay in go’aanka maxkamadda sare uu yahay mid sharci ah, isla markaana ay taageersan yihiino soona dhawaynayaan maadaama oo ay tahay maxkamadii dastuuriga ahayd ee dalka ugu saraysay.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahayd marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland dhismihii dawladnimadda, dastuuurka Somaliland iyo shuruucda kale ee dalka.
Xeerka furista ururadda siyaasadda ee muranka ka dhex abuuray xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaradka ah oo si weyn uga soo hor jeestay, iyo arrimo kaloo badan.

Geesta kale wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dhaliilay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI in aanay madaxdiisa iyo hogaankiisu ay ku kaceen hadallo fool xumo ku ah qaranimadda kadib markii ay xukuumadda shaacisay in ay furan yihiin ururadda siyaasadu.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa WADDANI ku tilmaamay in aanay waxba ka ogayn ama aanay ka soo qayb qaadan dariiqii adkaa ee qaranimadda Somaliland loo soo maray, isla markaana ay ku dheelayaan Dhuxulo Dab ah.

HALKAN KA DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Wasiir Maxamed Kaahin:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here