Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo isku Bedelay Maamuleyaal Dugsiyadda Dawladda

0
1109

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland ayaa xil ka qaadis iyo isku bedel ku sameeyay qaar ka mida maamuleyaasha dugsiyadda sare ee dawladda, kuwo kale-na shaqadda ka eryay.

Sida lagu sheegay wareegto maanta  ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda waxbarashada   Somaliland Cismaan Jaamac Aadan,  waxa uu   xilka qaadis iyo isku bedel lagu sameeyay 9 ka mida maamuleyaasha dugsiyadda sare ee Hargaysa ku yaalla.

Wareegtadan uu soo saaray wasiirka waxbarashadda Somaliland oo nuqul ka mida soo gaadhay shebekadda wararka ee Hargeisa Press, ayaa  u dhignayd sidan:-

“Markii aan tixgelinay baahidda loo qabo in kor loo qaado tayadda waxbarashada dugsiyadda sare ee dawladda ah ee dalka.

Markii aan aqoonsaday doorka hogaamineed ee ay maamulayaasha dugsiyadda sare ee dalku ay ka qaadan karaan kor u qaadista tayadda waxbarashada dugsiyadda sare.

Markii aan la tashaday masuuliyiinta, gudoomiyayaasha goboladda iyo agaasimayaasha waaxyaha ay hawshani khusayso, isla markaana aan tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimadda masuuliyiintan cusub.

Waxaan go’aan sadday in laga bilaabo maanta  oo ay taariikhdu tahay 24/7/2019 in masuuliyiintan hoos ku xusan midkasta xilka kor ku qoran u hogaansamo.

Bile Cismaan Ismaaciil,  maamulaha dugsiga sare ee  Waran-cade

Maxamed Maxamuud Yuusuf,  maamulaha dugsiga sare ee Dayib Gurey

Yuusuf Mataan Cabdi Dool,  maamulaha dugsiga sare ee Gaandi

Axmed Xaashi Jaamac, maamulaha dugsiga sare ee Sheekh Cali Ibraahim

Axmed Sheekh Cali Cismaan, maamulaha dugsiga sare ee Maxamed Mooge

Guuleed Yuusuf Iidaan,  maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar

Maxamed Cali Aadan,  maamulaha dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud,  maamulaha dugsiga sare ee Quule Aadan

Cismaan Jaamac Xasan,  maamulaha dugsiga sare ee Maxamed Aadan Sheef”.

Sidoo kale wareegtadaasi uu soo saaray wasiirka waxbarashadda Somaliland ayaa lagu magacaabay masuuliyiin ka mid noqon doona shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda.

Kuwaasoo qaarkood ay hore maamuleyaal uga ahaayeen qaar ka mida dugsiyadda sare ee Hargaysa.

“Siciid Cabdi Shiil,  xubin ka tirsan shaqaalaha  wasaaradda gobolka Maroodijeex Bari

Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil,  xubin ka tirsan shaqaalaha  wasaaradda gobolka Maroodijeex galbeedka.

Siciid Ismaaciil Ibraahim,  xubin ka tirsan shaqaalaha  wasaaradda gobolka Maroodijeex Galbeed” ayaa lagu gebagabeeyay wareegtadda wasiirka waxbarashadda Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here