Masuuliyiinta Saaxil Oo Dhagax-dhigay Xarun Gaadiidka Loogu Tallo Gallay

0
743

Berbera (Hargeisa Press.com): Badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan,  iyo duqa degmadda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, ayaa shalay si wada jira u dhagax dhigay xarun 400 oo mitir ah oo loogu tallo gallay gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaadda.

Badhasaabka gobolka Saaxil oo goobtii dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay in xaruntani ay tahay mid ay baahi weyn u qabtay magaalada Berberi, maadaama ay tahay hal-bawlihii ganacsiga Somaliland

Axmed Cismaan Xasan, waxa uu  tilmaamay  wax-tarka xaruntani ay yeelan doonto marka la dhamaystiro dhismaheeda.

Waxaanu yidhi “Waxaynu maanta (shalay) dhagax dhigaynaa xarunta weyn ee loogu tallo gallay gaadiidka waa weyn inay yeeshaan.

Taasoo noqon doonta xarun gaadiidka oo dhan la isugu keeno, maadaama ay Berbera ku taallo,  oo adeega ugu badan ka qabanaysa wadamada Geeska Afrika.

Taasoo baahi weyna loo qabay in la hello xarun gaadiidkoo dhammi isugu yimaadaan, isla markaana leh adeegii ay gaadiidkaasi u baahnaayeen.  Sida qaybtii nabad-geliyadda, qaybtii dayactirka ay ku samaysanayeen wax waliba-na diyaar ugu yihiin”.

Geesta kale duqa degmadda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin,  ayaa isna faahfaahiyay ujeedada dhagax-dhiga xaruntani.

Waxaanu yidhi “Isla sanadkan waxaa ku jirtay in gaadiidka waaweyn noocu doonaba ha  noqdee, ama Iska-rogo ha noqdo, ama gaadiidka u kala waaweyn ee u kala googasha dalkeena iyo kuwa jaarka ha noqdeene, ee dhankaasi Soomaaliya ka gasha.

Dhankaasi-na Jabuuti ka gasha, xaga-na Itoobiya ka gasha, iyo dalka gudihiisa wixii ka shaqeeyaba Berbera uun bay yimaadaan.

Sidaasi darteed gaadiidka waxaa laga soo saari doona magaaladda,  waxaana loo samayn doona meel ay dhigtaan baabuurta, oo adeegyadoodii oo dhammina ay la socdaan”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here