“Puntland iyadaa dhibaatadda ku haysa Buuhoodle oo diidaan in bulshadu tashadaan”…

0
681

Buuhoodle (Hargeisa Press.com): Garaad Maxamed garaad Saleebaan Aadan, oo ka mida madax dhaqameedka  Buuhoodle ayaa ku eedeeyay maamul goboleedka Puntland in ay dhibaatooyin nabad geliyo darro ku hayaan degaamadaasi.

Waxaanu sheegay in Puntland ay tahay cida keliya ee dhibaatadda nabad geliyo darro ku haysa bulshadda degaamadda Buuhoodle, Sool iyo Sanaag, isla markaana ay Puntland doonayso in dadkaasi hab qabiil ku kaxaysato.

Garaad Maxamed, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Buuhoodle waxa kaloo uu sheegay in Puntland ay masuul ka tahay  sababta ay wax uga dhaqaaqi waayeen dadka degaamadan ee ragaadisay dadka iyo degaankaba.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan ummada u sheegayaa in degaankan Buuhoodle uu nabad yahay, wax dhibaato ah oo xiligan ka taagana aanay jirin, dadku-na ay nabad ku fadhiyaan.

In Puntland ay tahay cida keliya ee dhulkan dhibka ku haysa, in ay tahay ta degaamadda Harti ee Somaliland dhibka ka wadda.  Puntland waa meesha ay wax uga dhaqaaqi waayeen dadka degaamadan, ee ragaadisay dadka iyo degaankaba.

Puntland waxay sheegataa in ay qabiil tahay, oo ay magac qabiil ku kaxaysato dadka beelaha Harti. Hada-na kuma camal fasho qabiilka, balse waa ta dhibaysa dadka degaamadan ee la qabiilka ah”.

Geesta kale Garaad Maxamed garaad Saleebaan Aadan, waxa uu tilmaamay in Puntland oo kaashanaysa dawladda federaalka Soomaaliya ay ku hawlan yihiin sidii ay magac qabiil ugu soo jiidan lahaayeen bulshadda beelaha Harti.

Waxaanu Puntland iyo Soomaaliya ku eedeeyay in ay diidan yihiin in dadka beelahaas ku abtirsadaa ay aayahoodda ka tashadaan, isla markaana dadka reer Somaliland ee ay degaanka wagaan wax la qaybsadaan.

“Puntland waa ta ku dhibaataysa, iyada iyo dawladda federaalka Soomaaliya ee ay Puntland ka midka yihiin.

Waa kuwa ku dhibaateeya dadka Warsangeli iyo Dhulbahante, ee diidaan in ay tashadaan, oo ay aayahoodda u madax banaanaadaan, oo cida ay degaanka iyo dhulka, la leeyihiin ay wax la qaybsadaan, waa kuwa u nugleeyay”ayuu yidhi garaad Maxamed garaad Saleebaan.

Dhinaca kale todobaadkan ayaa ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin kuwa maamulka Puntland waxay dhoola-tus ku sameeyeen magaaladda Buuhoodle.

Kuwaasoo sheegay in u jeedadoodu tahay sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen in ay iska difaacaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay Somaliland ku hayso dadka degaamadaasi.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here