Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo Qaabilay Wefti Ka Socda Dalka Camaroon

0
1788

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Cabdi Cismaan Dhaga-weyne, ayaa waxaa uu saaka xafiiskiisa ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socday Dalka Camaroon.

Wasiirka, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Maxamed Cismaan Siciid.

Waxaa weftigan hoggaaminayay Hon. Joseph M. WIRBA oo ah Xubin ka mid ah baarlamaanka dalka Camaron, waxaana ku wehelinayay David Njibamum iyo Dr.-Eng. Augustine Mofor oo ah laba xubnood oo ka tirsan maalgashadeyaasha ganacsiyada iyo wershadaha ku leh dalal Afrikada ka mid ah.

Sidoo kale, waxaa weftigan qayb ka ahaa Marwo Saamiya Muuse safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Finland.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Cabdi Cismaan Dhaga-weyne, ayaa weftigan warbixino ka siiyay maal-gashiga dalka Somaliland iyo fursadaha ka banaan ee la maalgashan karo.

Weftiga, ayaa wasiirka uga mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee uu ku qaabiley iyo warbixinta balaadhan ee uu ka siiyay fursadaha maalgashi ee dalka yaal, isla markaana u baahan in la maalgashado.

Ujeedka weftiga ka socda Dalka Camaroon, ayaa waxaa uu la xidhiidhay sidii ay u indho-indhayn lahaayeen fursadaha Maalgeshi ee dalka Somaliland ka jira iyo iskaashi dhinacyo badan.

Si kastaba, muddooyinkii u danbeeyey, waxa dalka Somaliland soo gaadhayay ganacsato iyo shirkado kala duwan oo danaynaaya in ay maal-gashadaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here