Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo Hortagay Golaha Wakiillada

0
971

Hargeysa (Hargeisa Press)- Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’addaasi Khaalid Jaamac Qodax, ayaa maanta hortagay Guddida Joogtada ee Golaha Wakiillada.

Kulanka, ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddida Joogtada ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse (Axmed Ini).

Xildhibaanada guddida joogtada, ayaa waxaa ay masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dowadda su’aalo ka weydiiyeen shaqada ay qaranka u hayaan, waxaanay guddidu mid mid uga jawaabeen su’aalihii wax laga weydiiyay.

Masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha Somaliland, ayaa guddid joogtada ee golaha Wakiillada uga mahadceliyay su’aalaha ay ka weydiiyeen shaqada ay Qaranka u hayàan.

Kulankan, ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay Guddoomiyaha Guddida Joogtada ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse (Axmed Ini) iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Khaalid Jaamac Qodax.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland oo halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu ka hadlay shaqaalaha dowladda ee ka hal geli jiray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isagoona shaaciyay waxaa laga yeelayo maadaama uu dagaal ka taagan yahay magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here