Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)

0
1254
Wasiirka Gaadiidka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan
Wasiirka Gaadiidka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey maamulka gobolka Sool, ka degmada Laascaanood, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada, taliayaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolka Sool, isuduwaha wasaaradda Gaadiidka, iyo qaybo ka mid ah bulshada gobolkaas.

Waxaana halkaas ka hadlay la taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale iyo isuduwaha wasaaradaas ee gobolka Sool, oo wasiirka iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey gobolka Sool, iyaga oo uga mahd-celiyey cashuur dhaaf ay wasaaraddaasi u sameysay gobolka Sool.

Dhankiisana Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, oo halkaas ka hadlay ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyey isaga iyo weftigaasa, wuxuuna sheegay in safarkoodu qayb ka yahay waajibaadkoodii shaqo ee ay u xilsaarnaayeen, isaga oo intaas ku daray in ay Laaascaanood u wadaan mishiinkii lagu daabacayey Buuggaagta iyo Liisamada oo hore loogu soo daabici jiray caasimadda Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here