Wasiirka Duulista Somaliland oo ka Warbixiyey Safar Uu Ku Tegay Dubai

0
798

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo shalay ka soo laabtay Safar Shaqo oo ugu Baxay Imaarada Abu Dubai, ayaa saaka shirjaraaid oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga warbixiyey Safarkaasi, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:-“waxaan doonayaa inaan war bixin idinka siiyo safarkii aanu ku tagnay Dubai waftigii uu hogaaminayay Madaxwaynuhu qaybtii ka khusaysay Wasaarada Duulista iyo Hawada,Safarkaasi waxa uu ahaa safar qiimo leh oo ujeedkiisu ahaa baadi doonka wixii Dadkan iyo Dalkanba u dana, Madaxwaynaha iyo waftigiisu waxay marti qaad rasmiya ka helay Dalka Imaaraadka carabta khaasatan imaarada AbuDubai waxaanu la kulanay Madaxda sare ee dawlada iyo shirkad layidhaa (Abu Dubai development fund), oo run ahaantii ah sida (Kuwait development fund) kii inoo maalgelsay Madaarada halkoodii oo kale ku jirta waa hayada Dalka u qaabilsan deeqaha khaasatan Imaarada Abu Dubai, markii Madaxwaynaha iyo waftigiisu u baxeen Ingiriiska anigu waxaan kaga hadhay Dubai si aan ula kulmo shirkadaha aanu wada shaqaynta leenahay ee halkan nagala shaqeeya, aniga oo daba socda shir hore oo Wasiirudawlaha iyo Agaasimaha Guud ku tageen halkaas.

 

Shirkadahaa waxaa ka mid ahaa sida shirkada fly Dubai oo aanu ka sugaynay inay keento xunbada lagu bakhtiiyo Diyaaradaha, biyuhu ma bakhtiiyaan Diyaaradaha ee waxa bakhtiisa wax xumbo (foam) loo yaqaano sidii loo soo tabaabulshayn lahaa waxa kaloo kamid inay noo tababaraan hablo (hosts) ah oo Diyaaradahooda ka shaqeeya oo ilaa 50 ah. Oo runtii taasi aanay Wasaarada hoos imanayn ee ay ka wada shaqayn doonaan Adna hospital, waxa kaloo kamida inay Shaqaalaha Wasaarada qaarkood tababar siiyaan iyo waxyaabihii kale ee balanqaadyo ahaa ee naga dhexeeyay, Waxaan kaloo la kulmay shirkadaha kale ee maxaliga ah ee Daallo iyo juba wada shaqaynta iyo adeega dadka la siiyo sidii loo xoojin lahaa.

kkh

Wasiiraka Duulista iyo hawda oo ay warbaahintu wax ka waydiisay faragelin ay Somalia ku hayso hawda Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay halgan badan u galeen hawada Somaliland waxaanu yidhi: “dawlada Somalia waxaan wada leenahay iyo waxaan kala suntanayba way jiraan oo in laga wada hadlo u baahan wax jiray shirar hore oo Aduun waynuhu nagu dhex dhexaadinaayay sida kii Istanbul 1 oo heer Madaxwayne ahaa Istanbul 2 iyo istanbl 3 ayaa jiray mar walbana Dawlada Somaliland waxay ku doodaysaa waar wixii aan wada leenahay ka wada hadalo wixii kale ee heer caalami ahna aan si kumeel gaadha uga wada shaqayno.”

 

“waxaanan isleeyahay maroorsina ku suuro geli mayso oo awood uma laha cidbaana inoo dhaxaysa cidaasi hadii ay dhex dhexaadnimada ka baxdo Somaliland waxay awood u leedahay inay nidaamkeeda dhamaystirato oo ay hawdeeda maamulato Diyaarad kasta oo hawda Somaliland soo gashana ay la xisaabtamto. Somaliland 2017 – 2018 in dhamaystirato qalab ay hawdeeda ku maamulayso qorshaha ayuu ku jiraa oo aanay cidna isu daba taagayn, awoodaana waanu leenahay laakiin waxaan ixtiraamaynaa Hayada nagu dhex jira sida ICAO.

khj

Waxa kaloo wasiirku sheegay inuu dhamaan Madaarada Dalka socdaal qiimayna kusoo mari doono, waxa kale oo uu sheegay Wasiirku in Madaarka Burco (soil sample) ama ciidii tijaabada ahayd laga qaaday si loo soo hubiyo , shirkad Ethiopian ah ayaa ku guulaysatay oo dhisaysa sida ugu dhakhsaha badan ayaa loo bilaabayaa Runwayga, ayuu yidhi. Wasiirku waxa kaloo dad waynaha Somaliland ugu bushaareeyay in dhawaan ay shirka Air Djabouti ka bilaabayso duulimaad Madaarka berbera.

 

Mar wasiirka wax laga waydiiyay inay Dawladu Madaarka berbera ku wareejinayso dawlada imaaraadka carabta si ay Saldhig uga dhigtaan, waxa uu yidhi:- “ Madaxweynaha waxa ay waydiisten Imaarad Abu Dubai in ay Saldhig ka samaysataan Madaarka Berbera, waa codsi, codsina macnihiisu maaha waa la iibiyey, xitaa heshiis lama galin, Dawlad Dhulkeeda in ka mid ah Dawlad kale ka Iibisayna ma jirto, Jabuuti ayaa ugu dhaw oo waxa ay ka faaiidaysataa waxa weeye Saldhiyo ayey Dawlado kale ku leeyihiin.”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here