Warreejinta Guddoomiye-Nimada Waddani Manfac Ma U Leedahay Jirde Mustaqbalka, Maxay Se Ololaha Doorashada Ka Tari Kartaa Cirro?

0
766
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

Marka hore aan hambelyeeyo Guddoomiye Cirro, oo sida dad xog-ogaal ahi iigu soo warramayaan dhawaan warreejin doono Guddoomiye-nimada xisbiga Waddani. Cirro ma noqonnayo Guddoomiyihii u horreeyey ee warreejiya xilkiisa, oo hore ayuu Madaxweyne Sillaanyo u warreejiyey, laakiin waxa uu noqonnayaa Guddoomiyihii u horreeyey ee warreejiya xisbi doorashada madaxtinimada ka hor.

 

Mawduuca maanta waxa aan ku lafa-guri doonaa sida cinwaanka ka muuqata xil-warreejinta Cirro waxa ay dhaxalsiin karto dheef ahaan, iyo sidoo kale waxa ay khasaare ku keeni karto ololaha uu madaxtinimada ugu cararrayo. Dhanka kale waxa aan ku faaqiddi doonaa faa’idada siyaasiga ah ee uu Cabdiqaadir Jirde ka dheefi karo mustaqbalka Guddoomiye-nimada Waddani ee ay siyaasadda jirta ee maantu u loogtay.

 

Aan ku horreyno se waxa kalifay in wakhtiga kan Cirro warreejiyo Guddoomiye-nimada xisbiga oo awood u siinneysay meel marinta murashaxnimadiisa, iyo jihaynta farsamooyinka siyaasaddeed ee xisbiga, oo haddii uu warreejiyo uu dhamaantood ka qatannaan doono. Ma Cirro ayey ka timi warreejintu mise mus-danbeedka xisbiga? Jawaabta oo fududdi waa in ay ka timi mus-danbeedka xisbiga, ee aaney ahayn wax uu Cirro shaqo iyo shuqul badan ku leeyahay. Su’aallo kale ayaa ka furmi kara waa ‘ayo mus-danbeedka xisbigu; taase hadda dood ka furri maayo.

 

Cirro marka aad eegto go’aanka uu aqbalkiisa lahaa, ee kalifay in uu balan-qaado warreejintiisa Guddoomiye-nimada xisbiga muxuu tari karaa siyaasiyan? Jawaabta su’aashani waa mid sixisteedu ay u dhiganto sidii oo irbad dun la galinayo oo kale! Waxa hubaal ah in Cirro aad u callool adaygay oo uu qaatay siyaasad is biimeyn ah. khatarta warreejinta Guddoomiye-nimadu waa in aanu xataa jihayn karin siyaasaddii murashaxnimadiisa iyo maamulkii xisbiga toona. Haddii uu doorashada ku guul-darreystana uu gabi ahaan ka hulleeli doono saaxadda siyaasadda.

 

Haddii khasaaruhu sidaa yahay, waxa is weydiin leh faa’ido ma u leedahay Cirro warreejinta Guddoomiye-nimada xisbigu? Jawaabtu waa HAA oo waxa suura-gal ah in uu helo taageerrada deegaan hore Kulmiye u ahaa, oo aan macnaheedu ahayn in heshiis la wada galey. Dhanka kale maxaa u faa’ido ah Cabdiqaadir Jirde in loo loogo Guddoomiye-nimo la ogyahay sida ay ku timi? Waxa ay siyaasaddu hubaal ka dhigaysaa in farxadda maalmaha hore ka sakow aaney faa’ido siyaasi ahi marnaba ugu jirin Jirde Guddoomiye-nimada Waddani.

 

Waa maxay sababtu se? Saw intaa la is waydiiyo ma aha? Sababtu waa tan hoos ku xusan:-

Ka soo qaad in lagu warreejiyey Jirde Guddoomiye-nimada xisbiga Waddani, intaa ka dib maxaa dhacay. Saw ma aha in doorasho loo diyaar-garoobo? Ka soo qaad in uu ku guuleystay Cirro doorashada Madaxweyne! Saw uma bannaana in uu mar labaad isa soo sharaxo oo dastuuri ma aha? HAA haddii ay tahay xisaabi da’da Jirde ma tahay mid xammilaysa 10 sano?

 

Dhanka kale ka istaag oo ka soo qaad in Cirro laga guuleystay, intaa ka dib maxaa dhacay? Waxa dhacaysa in shan sano ka bacdi la furri doono ururradii siyaasadda marka la gaadho 2022! Xisbi ma furran karaa siyaasi deegaanka Cirro ka soo jeedaa? HAA maxaa u diiddaya in ay furtaan dastuurka ayaa u ogol muwaadinka eh!

 

Saw ma aha in Guddoomiye-nimada Jirde lagu warreejiyey tahay mid waraabe u taag ah, oo haddii Cirro guuleystana aan shaqayn karin, haddii laga guuleystana ay furmayaan ururradii siyaasaddu 2022.

 

Mus-danbeedka xisbiga Waddani siyaasadda ay fahamsan yihiin waa taa, Cirro in hadda lagu dagaal galo, haddii uu guuleysto fiican, haddii kalena xisbiga ciddii doontaa ha hoggaamiso eh, la waayi maayo cid deegaanka ah oo urur siyaasaddeed furrata 2022. Jirde na ololaha 2017 ha lagu xoojiyo.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@gmx.co.uk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here