Wasiirka Dastuurka JSL Oo Tababar U Furay Shaqalaha W. Hawlaha Guud

0
356

Haragysa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa maanta tababar u furay shaqaale weynaha wasaaradda Hawlaha Guud ee JSL.

Tababarkan uu wasiirku furay ayaa ku saabsan barashadda Dastuurka iyo Waddaniyadda.

Kaasoo qayb ka ah barnaamij ay wasaaradda dastuurku dhamaanba shaqaalaha dawladda ku tababarayso dastuurka, iyo shuruucda dalka.

Furitaanka tababarkani waxaa ka qayb galay wasiirka Hawlaha Guud, dhulka iyo guriyaynta Somaliland, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Areimaha Dastuurka JSL Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo hadal ka jeediyay tababarkan uu furay ayaa sharaxay muhiimadda ay leedahay baraahadda shuruucda dalka.


Waxaanu wasiirku shaqaalaha ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan duruusta tababarkan lagu siinayo, isla markaana waxa ay bartaan in ay ku dabaqaan shaqadda ay qaranka u hayaan.


DAAWO: Wasiirka Dastuurka oo tababar u furay shaqalaha Wasaaradda Hawlaha Guud:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here