Wasiirka Caafimaadka Oo Xadhiga Ka Jaray MCH iyo Addeegyo Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Cusbiyaalka Arabsiyo Kormeerayna Cusbitaalka Gabiley

0
587

Arabsiyo (HP): Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland  uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa maanta xadhiga ka jaray addeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay cusbitaaladda magaalooyinka Arabsiyo iyo Gabiley.

Addeegyadda cusub ee lagu soo kordhiyay cusbitaalka magaaladda Arabsiyo oo ka tirsan gobolka Gabiley waxaa ka mid ah qaybta sawirka Lafaha ee X.RAY loo yaqaano iyo qaybta saarista iyo sifaynta Ilkaha.

Sidoo kale wasiirka agaasimaha guud waxay xadhiga ka jareen xaananadii labaad ee hooyadda iyo dhalaanka oo ay yeelato isla degmadda Arabsiyo, taasoo ay hirgelisay dawladda dhexe ee Somaliland.

Geesta kale wasiirka caafimaadka iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi waxay u sii gudbeen dhinaca magaaladda Gabiley, halkaasoo ay soo kormeereen qaybaha kala duwan ee cusbitaalka guud ee magaaladda Gabiley.

Wasiirka caafimaadka iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi waxaa xadhig ka jaristaasi iyo kormeerkaasiba ku wehelinayay badhasaabka gobolka Gabiley, maayarka Gabile, isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Gabiley, iyo masuuliyiin kale.

 

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here