Wasiirka Deegaanka Oo Kormeeray Deegaamo Ka Tirsan G/Maroodijeex Oo Daaqsiimooyin iyo Oodasho Sharci Darro ah Laga Samaystay

0
332

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil, ayaa digniin u dirtay dadka degmsiimooyinka cusub ka samaysanaya dhulka xoolo daaqsimeedka ah iyo kuwa ootay dhul daaqsimeedka.

Waxaanay ugu baaqday dadka sida sharci darrada ah u ootay dhulka bananka ah ee xoolo daaqeenka in ay tallaabo ka qaadayaan, isla markaana ay shaqadooddu tahay sidii dhulkaasi loo ilaalin lahaa.

Wasiirka deegaanku waxay digniintaasi ka dirtay kadib kormeer ay shalay ku soo martay deegaamo ka tirsan gobolka Maroodijeex oo laga sameeyay degsiimooyin sharci darro ah iyo dhul daaqsimeedkii xoolaha oo ay dad ooteen.

Shurki Baandare, waxay sheegtay in dhulku u kala qaybsan yahay laba qaybood oo kala ah in dhul na yahay dhul daaqsimeed, dhul na uu yahay dhul beereed, isla markaana aanay ogolaan doonin in la ooto dhulkii xoolo daaqeenka ahaa.

Wasiirku deegaanku waxa kaloo ay tilmaantay in ka wasaarad ahaan aanay bulshadda reer miyiga ah dhakhaatiirna u keenin, biyo na aanay u keenin, dugsiyo waxbarashana aanay u samaynin, balse ay masuuliyadoodu tahay in ay dhulka u ilaaliyaan.

Deegaamaddii ay wasiirka iyo xubnaha la socday kormeerka shaqo ku soo mareen waxaa ka mid ahaa banka Ununuf, iyo Qoryaale oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, kuwaasoo ay wasiirku sheegtay in ay ka mid yihiin  bannanka lagu soo durkayo ee degsiimooyinka iyo beeraha sharci darrada ah laga samaysanayo.

Geesta kale wasiirka Shukri Baandare, waxay ka digtay in aanay marnaba aqbali doonin Tuuulooyin garabka lagu sito ee habeenkii soconayana, isla markaana ay sharci darro yihiin.

Wasiirku waxay sheegtay in hawlaha shaqo ee wax lagaga qabanayo degsiimooyinka sharci darrada ah iyo oodashadda dhul daaqsimeedka in madaxweynuhu uu la og yahay, iyo haayadaha sharci dejintu.

Dhinaca kale wasiirku waxay u mahad celisay wasaarradaha iyo haadayaha dawladda  ee sida dhaw ula shaqeeya wasaaradda deegaanka Somaliland kuwaasoo ay ugu horayso wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ciidamadda booliska, wasaaradda Maaliyadda wasiirku wuu ila fahamsan yahay.

Shurki Xaaji Ismaaciil, waxay tilmaantay in ay si dhakhso ah u burburin doonaan oodashadda sharci darrada ah ee lagula soo durkay banka Unuf iyo bananka kaleba, isla markaana ay Cagaf marin doonaan dhawaan.

 

DAAWO: Hadaladii Wasiirka Deegaanka iyo iyo Masuuliyiintii Kormeerkaasi Ku Wehelinayay:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here