Badhasaabka Sool Oo Ka Warbixiyay Hawlgalka Laascaanood Laga Raafayo Dadka Aan U Dhalan Somaliland

0
493

Laascaanood (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay tallaabada ay dadka aan Somaliland u dhalan kaga raafayso gobolka Sool taasoo muddo shan maalmood ah ka socota magaaladda Laascaanood.

Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo arrintaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladihii u danbeeyay ee gobolka Sool gaar ahaana bulshadda ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya ee maalmahanba laga raafayo magaaladda Laascaanood.

Waxaanu sheeay in sababta ay tallaabadaasi u qaadeen ay tahay mid la xidhiidha sidii loo sugi lahaa amaanka magaaladda Laascaanood oo ay tobankii sanadood ee u danbeeyay ka dhacayeen dilal qorshayn.

Kadib wada tashi dheer oo heer qaran iyo heer bulshoba ah oo laga yeeshay sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa in la isla qaatay in dadka aan u dhalan Somaliland ee  ku nool magaaladda Laascaanood in laga saarro.

C/qani Maxamuud Jiidhe, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kaloo uu sheegay weli ay socoto hawsha ka saarista Laascaanood ee dadka aan u dhalan Somaliland taasoo maraysa maalntii shanaad.

Waxaanu ugu baaqay dadka aan Somaliland u dhalan ee weli ku sugan Laascaanood in ay si dhakhso ah uga baxaan, iyadoo aan la khasbin, cidii mudadaasi ku bixi waydna in loo aqoonsan doono danbiileyaal.

Geesta kale badhasaabka Sool waxa uu xusay in hawl galladda Laascaanood lagaga saarayo dadka aan u dhalan Somaliland uu sii socon doono, isla markaana ay wadayaan ilaa inta laga dhamaystirayo dadkaasi ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiye Jiidhe, ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu sheegay inuu gobolka Sool u soo diray xubno wasiirro ah oo guddi heer qaran ah oo gacan ka gaystay wax ka qabashadda sugista amaanka Laascaanood.

 

DAAWO: Badhasaabka Sool Oo Arrimahaasi ka Hadlaya:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here