Wasiirka Beeraha Oo Qalab U Qaybiyay Beerralayda Ceerigaabo

0
514

Ceerigaabo (HP): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland ayaa maanta u qaybiyay beeralayda gobolka Sanaag agabka beeraha lagu qoto.
Axmed Muumin Seed, oo safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag ayaa magaaladda Ceerigaabo beeralayda ugu qaybiyay Mishiinno iyo Tuubooyinka beeraha lagu waraabiyo.


Agabkan waxaa soo bixisay oo wasaaradda beeraha soo marisay haayadda TIKA oo ka mids haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda beeraha Somaliland.
Gobolka Sanaag ayaa noqonaya gobolkii u horeeyay oo ay wasaardda beeruhu gaadhsiiso lixdan Mishiin oo kuwa beeraha lagu waraabiyo ah iyo Tuubooyinkoodii.
Iyadoo la fulinayo balan qaadyo hore oo jiray iyo baahi weyn oo ay qalabkan u qabteen.


Sida uu sheegay wasiirka beeraha Somaliland axmed Muumin Seed, oo ka warbixinayay qalabkaasi.
Wuxuu tilmaamay wasiir Seed, in dhaqaaleheena oo yar darteed iyo baahideena oo badan awgeed ay hadana ku dedaalayaan sidii ay beerqlayda wadanka u gaadhsiin lahaayeen hadba wixii ay awoodaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here