Somaliland: Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Kharashaad Aan Ku Jirin Miisaaniyadii 2019-ka

0
652

Hargaysa (HP):Golaha Wakiilladda Somaliland ayaa maanta ansixiyey dakhliga iyo kharashaadka dheeraadka ah ee aan ku jirin xeerkii miisaaniyadda ee la ansixiyey.

Fadhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaasi mudane Baashe Maxamed Faarax.
Waxay mudaneyaashu cod gacantaag ah ku ansixiyeen hadhaagii dakhliga khasnada dawladda ee sannadkii 2019-ka.
Iyada oo ay ogolaadeen afartan mudane.
Waxa diiday hal xildhibaan, halka uu ka aaamusay hal mudane guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayaanu ku ansaxay xeerkaasi.
Taas oo ah qadar lacageed oo shan boqol iyo konton bilyan shan boqol iyo shan iyo sideetan milyan boqol iyo kow iyo todobaatan kun boqol iyo kow iyo todobaatan shillin (55,585,171,171).

Kharashaadkaas ayaa meelaha loo adeegsan doono waxaa ka mid ah daynta gudaha, dib u qaramaynta hantida dawladda, kaydka qaranka ee miskiin-kalkaal, kaydka qaranka dalag-kaab, kaydka qaranka shaqo-kaab iyo kabka miisaaniyadda.

Waxa kale, oo uu guddoomiyaha golaha wakiilladu ku wargeliyey mudanayaasha golahaasi in maalinta salaasada ah ee todobaadkan golaha la horkeeni doono miisaaniyada sannadka 2021 ee inagu soo foolka leh.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here