Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Shahaado-Sharaf Gudoonsiiyey Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

0
1401

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu Shahaado Sharaf gudoonsiiyey Mujaahid Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe).

Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu shahaado sharaftan ugu maamuusay Halganka uu Boobe Yuusuf Ducaale geliyey Taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaanaTaariikhda halgankii SNM, taasoo Boobe Yuusuf Ducaale ka qoray Buugaag badan oo lagu akhristo qaarkood Makhtabadaha aduunka.

Buugii ugu danbeeyey uu soo saaray Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa ahaa SNM LIBERATION STRUGGLING, kaas oo ah Buug aad u qiimo badan oo taariikhda Halgankii soo koobaya.

Munaasibada uu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ku gudoonsiiyey Boobe Yuusuf Ducaale Shahaado Sharaf, waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Aqoonyahanad Sucaad Carmiye iyo masuuliyiin kale.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here