Dekedda Maydh oo Xoolo Badani Ka Dhoofeen Markii Ugu Horaysay

0
1230

Ceerigaabo (Hargeisa Press) – Dekedda degmada Maydh ee gobolka Sanaag ayay ka dhoofeen xoolihii ugu badnaa, kadib markii ay xukuumadda Somaliland degmadaas ka hirgelisay deked hab casri ah loo sameeyay.

Xoolaha oo shalay ka dhoofay dekedda magaaladda Maydh, ayaa tiradoodu gaadhaysa 2500 oo neef, kuwaas oo hore ay ganacsatada dhoofisa uga dhoofin jirtay magaaladda Boosaaso ee Soomaaliya.

Waxaa ugu horayn ka warbixiyey xoolahan ka dhoofaaya dekedda degmada Maydh Mustafe Cali Guuleed oo ahaa madaxa mashruuca dhismaha dekedda Maydh, waxaanu tilmaamay in dekeddan oo dhowaan la dhagax dhigay, isla dhowaan uunna la furay uu durba manfaceedii muuqdo maanta.

Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Maareeyaha Dekedda Maydh Ibraahim Axmed Guray iyo qaar kamid ah ganacsatada xoolaha ka rartay dekedda magaaladda Maydh ee gobolka Sanaag.

Waxaanay si weyn ugu mahadceliyeen xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo ay ganacsatadani cadeeyeen in ay dhibaatooyin badan kala kulmi jireen dhoofinta xoolaha wakhtiyadii hore, laakiin ay hadda dekedani fududaysay wax badan.

Ganacsatada degmada Maydh, ayaa sidoo kale xukuumadda Somaliland uga mahadceliyey dhismaha dekedda Maydh, Baraf Dhaliye iyo qalajiye ay xukuumaddu degmadaas ka samaysay.

Sidoo kale, ganacsatadu waxaa ay sheegeen in laga hirgeliyey degmada Lix xafiis, qolkii shirarka, dhisme hangar ah oo weyn iyo xafiis dheeri ah oo isna laga hirgeliyey degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here