Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Qaabilay Yeeshay Ergey Norway

0
401

Hargeysa (HP): Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee dawladda Norway u qaabilsan Somaliland.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka Daakhiliga Somaliland waxaa ku wehelinayay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Xuseen Albaani.


Weftigan ka socday dawladda Norway, waxaa hogaaminayay Ergayga gaarka ah ee Dawladda Norway, (MFA Special Envoy) Ambassador Heidi Elburgi, iyo safiirka Ku-xigeenka Norway ee Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Haakon Svane.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa weftiga warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo iskaashiga nabadgelyo ee ka dhexeeya Dawladda Somaliland iyo wadamada Jaarka ah.

Iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlada Norway ayay ka wada hadleen labada dhinaca iyo weliba mashaariicda horuumarineed

Iyadoo kulankan ay ka soo qaybgashay Hay’adda Saferworld oo uu metelayey Cabdilaahi Ibrahim.

Kulan ayaa ku soo dhamaaday isfaham buuxa iyo wada shaqayn labada dhinac ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Norway.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here