Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya oo Faah faahin Ka Bixiyay Kulankii Ay La Yeesheen Wafdigii Madaxweyne Muuse Biixi

0
699

Makka (Hargeisa Press) –Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan dalka Saudi Arabia ay kula yeesheen wafdigii ka socday Somaliland uu horkacayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

β€˜β€™Annaga iyo Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa waxaan wada-degeneyn hal qasri, waxaan isku aragnay oo aan ku kulannay Masjid, Annaga ayaa u tagnay oo Salaan ugu tagnay, runtiina waxaa uu Madaxweyuhu noo soo dhaweeyay si qalbi furan oo Soomaalinimo ah, wixii xiligaa ka danbeeyayna meelo kale oo badan ayaan isku aragnay, kulanku wuxuu ahaa mid salaam oo kaliya ah, waxaan arkayay meelaha qaar dad Soomaaliyeed oo ka hadlayay kulanka oo waliba siyaasadeynaya, wax siyaasad ah oo aan ka wada hadalnay ma jirto, fasaxna uma heysan wafdiggeyaga dowladda Soomaaliya in aan siyaasad ka hadalno’’ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Laakiin Wasiir Cawad meesha kama aanu saarin kulankii dhaxmaray labada dhinac uu noqon kara mid jawiga siyaasadda wax ka badali kara, madaama maalmihii ugu danbeeyay hawada leysku marinayay hadalo siyaasadeed oo aan wanaagsaneyn.

β€˜β€™Dabcan kulankan jawigii hore waxbuu ka badali karaa, Anniga shaqsiyan Madaxweynaha ismaanu aqoonin, laakiin markii aan la kulannay waxaan ogaanay in ay yihiin dad Soomaaliyeed oo wanaagsan oo wax cuqdad iyo shaki ah toona qabin, marka kulankan wuxuu bilow u noqon karaa in uu meesha ka saaro jawiggii hore ee kala shakiga ayuu yidhi’’ Wasiir Cawad.

Kulanka wafdiga labada dhinac ayaa u muuqday mid dood adag oo siyaasadeed abuuray, iyadoo xisbiyada mucaaradka Somaliland oo dhankooda ka hadlay sheegeen in wafdiga uu horkacayay Madaxweyne Biixi looga fadhiyo jawaabta kulankaa iyo waxa uu daarannaa.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here