Wasiirka Arimaha debeda iyo Gudoomiyaha Hay’ada Qurba jooga Oo la shiray ururada reer Somaliland ee ka dhisan Cariga Ingiriiska

0
1246

LONDON, (HargeisaPress) — Wasiirka arimaha debeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr Sacad Cali Shirre ayaa xalay kulan balaadhan oo is xog waraysi ah la yeeshay dhamaan ururada reer Somaliland ee fadhigoodu yahay cariga Ingiriiska. Waxaa wasiirka kulanka ku wehelinayey gudoomiyaha hay’ada qurbajooga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillahi Xirsi (Ina Dayax weerar) iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska mudane Cali Cawaale Aadan. Kulanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa isku soo duba riday ururka Somaliland Society Europe (SSE) oo ay hoos yimaadaan dhamaan ururada Somaliland ee Europe ka dhisani.

 

Waxaa sidoo kale shirka kazoo qayb galay ururka Somaliland Society UK, West London Somaliland Community, East London Somaliland Community, Coucillor Amina Ali oo Barig London laga soo doorto iyo councillor Cabdiraxmaan Qalib oo woqooyiga London laga soo doorto. Waxaan iyaguna ka maqnayn oo kulanka ka soo qayb galay aqoonyahano doora oo reer Somaliland oo iyaguna talo iyo tusaaleba ku biiriyey sidii shacabka reer Somaliland ee qurbuhu ku nooli uga qayb qaadan lahaayeen sidii geyiga Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahaa bulshada caalamka.

Wasiirka Arimaha debeda oo la shiray ururada reer Somaliland ee ka dhisan Cariga Ingiriiska

Gebogebadii kulanka waxaa loo balamay in kulan balaadhan waftigu Bariga London ugu qabto maanta guud ahaan jaaliyada reer Somaliland si ay xog uga siiyaan halka ay marayaan wax qabadka wasaarada umuuraha debedu.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here