Wasiir Xirsi Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Socdaalkiisa Turkiga

0
1218

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu ugu maqnaa dalka Turkiga, halkaasi oo isaga iyo wasiirka khaarajigu u tageen dejinta ajandaha Wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia.

Wasiir Xirsi oo safarkiisan faahfaahinaya ayaa yidhi โ€œWaxay ahayd abaaro Shantii galabnimo โ€œ5pmโ€ Kadib markaan soo nabad gaadhay Garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Guud ahaan safarkan oo qaatay mudo todobaad ah ayaan ku joogay dalka Turkey-ga halkaas oo aan aniga iyo Wasiirka Arrimaha dibeda Jamhuuriyada Somaliland Mud, Maxamed Biixi Yoonis u tagney gogol xaadhka iyo samaynta Agende-yaasha Shirka wada hadalada dawladaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaliya .

Socdaalkan shaqo ayaa noogu soo dhamaaday si haboon isla markaana aan soo gaadhnay ujeedooyinkii aanu u tagney.

Sida aad la socotaan dawlada Turkey-gu waxay xil weyn iska saartay wada hadashiinta dawladaha Somaliland iyo Soomaliya si dawlad walba miiska u keento Masiirkeeda Mustaqbal .

Xukuumada Somaliland-na marwalba waxaa ka goโ€™an xaqiijinta rabitaanka shacabka Somaliland oo ku dhisan afti shacab iyo rabitaan umadeed.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here