Madaxweynah JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Hogaamiye Ka Wanagsan Somaliland Masoo Marin Inuu Soo Mari Doonana Allaa Ogg By: Ugbaad Jalaqsan

0
899
Salaan ayaan u dirayaa guud ahaan shacabka somaliland, saxaafada madaxa banaan iyo Ciimada qaranka jsl ee ee heeganka ugu jira difaaca qaranka oo markasta ah inaan u mahad celino, waxaan maanta qalinka u qaatay wax yar inaan ka iftiimiyo hogaaminta wanagsan  iyo hanaanka xukuumada madaxweyne silaanyo,  hadii bulshada somaliland  markale doortaan Madaxweyne Silaanyo iyo Xukuumadiisa horumarka ay dalka gaadhsiin karto.

Hogaaminta Wanagsani waxay ifafaale u noqotaa Cidhibdanbeedka umadeed,  waxaan tusaale inoogu filan Hagaaminta Madaxweynaheena Maanta Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xukuumadadiisu, oo makhtaari cad u ah in mustaqbalka soo socda umadani u hogaansami doonto dhanka horumarka tabaca dhisitaanka dhulkeena hooyo.

Waa Hubaal umada kasta oo isku tiirsanaada tanaasul iyo kala danbayn musdanbeedka ka dhigataa inay qaado tubta toosan, waxaan weheliya oo gaashaan u ah hogaamin wanagsan kuna dhiiri geliya inay dadku wax qabsan karaan iskuna filaan karaan, dhamaan dawladihii soo maray soo maray somaliland dadka waxay wada ogyihiin kana dheregsan yihiin in Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo tahay tii ugu horaysay ee dadkan iyo dalkan muujisay horumarkooda , taasina ay keentay in Dawladihii Aduunyadu soo dirtaan Waftiyo inaana yimaadan dalkeena oo nabada.
Shantan sanadood waan aragnaa horumarka iyo wax qabadka buuxa guusha uu taagan yahay Xisbiga kulmiye hadaba hadii aan dooro Madaxweyne siilaanyo shansanadood oo danbe ducana ugu darno dalku halkuu gaadhi doonaa ?  waxaan qabaa dadka wax maratada ahi inay su,aashaa fekerkeeda kaga jawaabi doonaan aragti dhaw iyo maan gaabnimo, balse qofka leh caqliga saliimkaa ee indheer garadkaa wuu garankaa inuu dalkani gaadhi doono isku filaansho shansanadood oo danbe hadii aan doorano Madaxweyne siilaanyo iyo Xukuumadiisa.
Guntii iyo gaba gaba gabadee hadal iyo dhamaan waxaan kusoo koobayaa  kuna soo uruurinayaa waar danta dalka iyo ta dadkuba waxay ku jirtaa hogaan wanagsan oo garanaya waaqaca iyo cidhib danbeedka dadkiisa, hadii aynu somaliand nahay  waynu soo aragnay  dagaal sokeeye iyo mid shisheeyaba, colaadi macaanka iyo qadhaadhka ay leedaahy waynu soo aragnay, maanta looma baahna in dadka lagu celiyo halkay 20 sanadood kasoo gudbeen  ninka halkaas idinku wadaa danteena ma wadee aan iska eegno  aan garano inagoo xeerinayna qaranimada iyo milgaha ninka doonaya wanaageena wada jirkeena ee jecel inaan aduunyada ka mid noqono, ninkaasi laynoo sheegi maayee  waa ninkii duurka inoo soo galay  maantana ina hogaamiya insha allaaah 5danbe  iyo mid kasii badaba aan doorano dhamaanteen.
By: Ugbaad Jalaqsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here