Wasiir Xagla-toosiye Oo Dr. Jimcaale U Magacaabay Isu-duwaha Wasaaradiisa Ee Gabiley

0
751

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) ayaa masuul  Cusub u magacaabay xilkii Isuduwaha caafimaadka Gobolka Gabiley, islamarkaana xilkii ka qaaday Isuduwihii horee caafiimaadka Gobolka Gabiley.

Sida ku cad digreeto Wasiika Caafimaadku Mudane Dr. Saleebaan Ciise Axmed soo saaray doraad Axadii kuna taariikhaysan 13 bishan ayaa wasiir Xaglatoosiye waxa uu u magacaabay Dr. Jimcaale Daahir Cumar inuu ahaado Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Gabiley, waxaanu xilkii Isuduwenimo ka qaaday Isuduwihii horee caafimaadka Gobolka Gabiley Dr. Ciise Sheekh Maxamed.

Wasiir Saleebaan Xaglatoosiye waxa uu ku sheegay digreetada in uu markii uu arkay kuna qancay  aqoonta iyo kartida shaqo ee Dr. Jimcaale Daahir Cumar uu gartay inuu u magacaabo xilka Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Gabiley.

Waxa kale oo Wasiir Xaglatoosiye uga mahad celiayay Isuduwihii hore ee Caafimaadka Gobolka Gabiley Dr. Ciise Sheekh Maxamed sidii wanaagsanayd ee uu ula soo shaqeeyay Wasaarada Caafimaadka mudadii uu xilka hayay.

Digreetadan oo sawirkeedu hoos ka muuqdo waxay u dhignayd sidan” “Maanta (doraad Axadii) oo ay bishu tahay 13/09/2015 markaan arkay kartidiisa shaqo iyo aqoontiisa waxaan u magacaabay Dr. Jimcaale Dahir Cumar Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Gabiley.

Sidaa darteed,  waxaan masuulkii hore uga mahad naqayaa sidiii wanaagsanayd ee aad uga soo shaqaysay caafimaadka gobolka waxaanan ku rajo waynahay inaad si hufan  aad ugu wareejin doonto masuulka cusub ee loo soo magacaabay”

Isuduwaha Cusub ee Caafimaadka Gobolka Gabiley Dr. Jimcaale Daahir Cumar waa aqoonyahan dhalinyaro ah oo aqoonta caafimaadka ka soo bartay Jamaacad ku taala wadanka Suudaan, islamarkaana mudo ku soo shaqaynayay mihnada caafimaadka.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here