Faallo:- Dumbuluq Dulqaad Badanaa!

0
1395

Magaalada Hargeysa oo ah caasimada Somaliland ee Hargeysa oo la sheego in qiyaas ahaan ay ku nool yihiin tirada dad ahaan ugu badan Somaliland marka laga hadlaayo magaalo kaliya, waxaad moodaa in xuquuqdii dawladnimo inay cid gaar ahi dhaxal u yeelatay.

Caasimadu waxay noqotay meel ay kala nool yihiin dad aad moodo inay boqortooyada u noqdeen dhaxal sugayaal, rajadooduna waxay noqotay mid cirka isku shareertay oo aad mooday inay mulki u haleen maamulka iyo go’aamada, ilaahay ayey gacantiisa ku jirtaa maamulka koonku, hadana ilaahay reer bini’aadaam wuxuu siiyey karti iyo awood aanu siin noolaha intiisa kale oo ah caqliga.

Xalay magaalada Hargeysa gar ahaana xaafada Dunbuluq waxay noqotay meel go’doon ah, laba saac iyo wax ka badan ayey dadku baabuurtii ka dageen oo ay lugtooda maaleen, iyagoo isugu jiray dumar, caruur, waayeel, mid xanuun qaba iyo caafimaad qaba, kuwaas oo qaarkood lugtu dhib iyo karaahiyo ku ahayd.

Duqii magaalada loo doortay Jigjiga yar ayuu jeegada u jiifa oo dabaylaha iyo roobka ruxaaya maxasta reer Dunbuluq warma uma hayo, qorshe iyo shaqo loogu tala galay garan maayo, in kastoo mudo xileedkii la doortayba gabaabsi ku dhaw yahay.

Hargeysi Maayar wanaagsan oo lexo jeclo badan ayey u baahan tahay oo aqoonteeda iyo kartieeda leh. Ilaahay ayaa cadaalad haya, bili’aadanka cadaaladiisa waxaa tusaale inoogu filan ninka taraafiga ah ee baabauurta kuu doona sii daaya kii uu doonana qabta.

Hargeysi waxa kale oo ay u baahan tahay gole deegaan oo aan ku iman tolaaydii reer hebel, durba qaar ayaa hada taajiriin noqday mudadii yarad ee ay xilka hayeen.

Taas oo kale aduunyada xagee lagu arkaa xildhibaan saddex sano gudahood guryo, baabuur iyo dhul aan cabir lahayn yeesha? Ma nasiib ayey u yeesheen in maalinta uu roob da’o biriishka Hargeysa ee qadiimiga ah biyo laamiga xidhay dartood loo mari waayo? Ma canaadnimo dalwadaha kala dameeyey ee soo maray ay dhaqan u leeyihiinbaa? Mise heshiisku waa dumuluq daadku ha qaado?

Ugu danbayntii waxaan odhan lahaa reer dunbuluq ama daadku haydin qaado ama damiir yeesha.

 

Mustafe Cabdi

Cmusafe99@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here