Ururka SOLJA oo dalka UGANDA u diray sadex gabdhood oo suxufiyiin ah

0
852

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa sadex gabdhood oo suxufiyiin ah u  diray tababar laba cisho ah oo ay hay’adda UNDP

usoo qaban qaabisay haweenka Suxufiyiinta Somaliland iyo Somaliya, kaasoo ka dhici doona 13-15-ka bishan September magaala madaxad  dalka UNGANDA ee Kampala.

Gabdhaha Ururka SOLJA u diray tababarkaasi oo kala ah Nimco Maxamud Ciise, Saynab Maxamed Cabdi iyo Yaasmiin Muuse Xasan oo ka tirsan Suxufiyiinta Somaliland ayaa shalay oo bishu ahayd 13/9/2015 ka dhoofay  madaarka Cigaal International Airport.

 

Tababarka ay suxufiyiintani ka qayb qaadan doonaan ayay ujeedadiisu tahay sidii haweenka suxufiyiinta ah loogu samayn lahaa in la dhiso aqoontooda iyo xirfadooda Suxufinimo, si ay uga qayb qaataan samaynta wararka, Barnaamijyada iyo hogaaminta hay’adaha warbaahineed ee ay ka hawl galaan.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com
.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here