Wasiir Reer Jabuuti Ah oo Hadyad U Soo Dirtay Maayarka Hargeysa

0
802

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa guddoomay Hadyad ay u soo dirtay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Djibouti Hibo Muumin Casoowe.

Duqa caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo ay weheliyaan Ku-xigeenkiisa Khadar Axmed Cumar iyo Mudanayaal ka tirsan Golaha Degaanka Caasimadda, ayaa Qado-sharaf u sameeyay Martidii uga timi dalka Jabbuuti Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.

Martida Jabbuuti waxa ay Duqa caasimadda guddoonsiiyeen Hadiyad ay u soo dhiibtey Wasiirka Dhallinyarada iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Jabbuuti Dr Hibo Muumin Casoowe.

Martiqaadka waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Dr Jaamac Muuse Jaamac, Safiirka u fadhiya Somaliland dalka Jabbuuti Cabdifataax Siciid Axmed iyo Safiirka Jabbuuti u fadhiya dalka Somaliland, Xuseen Cumar Kawaliye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here