Xildhibaano Isu Xil-qaamay Xalinta Arrinta Buurta Gacan Libaax

0
1599

Hargeysa (Hargeisa Press)- Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Dabley Hubeysan oo la sheegay inay isku urursadeen deegaanka Buurta Gacan-Libaax ee Somaliland.

Xildhibaanadan ka tirsan aqalka golaha Wakiillada Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ay ku baaqeen in nabad lagu xaliyo arrimaha keenay tabashada xadkaasi gaadhay.

Xildhibaanadan oo ka koobaan afar mudane, ayaa sheegay in ay iskood isu xilqaameen oo aanay jirin cid ka danbayaa fikirkooda, balse iyagu ay garteen in masuuliyadaasi ay saaran tahay.

Waxaa ay ugu baaqeen kooxdan dhalinyarada ah ee buurta Gacan Libaax galay inay ka soo degaan buurta oo ay wada-hadal ku sheegaan wax kasta oo ay tabanayaan, waxa kale oo ay sheegeen mudanayaashaasi inay tagi doonaan buurta Gacan Libaax si ay ula soo xaajoodaan raga ku jira buurtaasi.

Xildhibaanada, ayaa waxaa ay xukuumadda ugu baaqeen inay xalinta arrinta Gacan Libaax u marto mid nabadeed oo aan ciidan loo adeegsan, waxaanay ku booriyeen in wada-hadal lagu dhameeyo wixii tabasho ah.

Waxaa ay sheegeen inay albaab kasta u garaacayaan sidii loo xalin lahaan arrinta Gacan Libaax, cid kastana ay kala hadli doonaan, haddii ay noqoto xukuumadda, Xisbiyada iyo qaybaha kale ee bulshadaba.

Ugu dambayn Xildhibaanada, ayaa ku baaqay in aanay xabadu qoriga ka bixin, waxaanay ku dheeraadeen xumaanta laga dhaxlo dagaalka iyo sida uu qaranka iyo bulshadaba u saameeyo, waxaanay ku taliyeen in xal wada-hadal lagu soo gunaanado xaalkadda Gacan Libaax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here