Wasiir Koore Oo La Dar-daarmay Xildhibaanadda Cusub Ee Golaha Wakiiladda

0
343

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa ku booriyay mudaneyaasha cusub ee xisbiga Kulmiye iyo xubnaha is-baahaysiga la sameeyay in ay go’aan togan ka qaataan masiirka shir-guddoonka golaha Wakiiladda.

Saleebaan Cali Koore, waxa uu kula dar-daarmay xildhibaandda cusub ee Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ka soo baxay ee isbaahaysiga la sameeyay in wixii hadda ka danbeeya ay talladda toos u abaarri doonaan  sida iyo qaabka ay ka yeelayaan.

Maadaama uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqay kal-fadhigii ugu horeeyay ee xildhibaandada cusub lagu dhaarinayay, oo uu qabtay maalinta Salaasadda ah ee todobaadkan.

Wasiir Saleebaan Cali Koore, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad Qado sharaf ah  oo uu xildhibaanadda Kulmiye iyo xubnaha isbaahaysiga la ah u sameeyay wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland  Maxamed Muuse Diiriye.

Munaasibadaasi qado sharafta ahayd oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiirradda, xildhibaanadda Kulmiye u soo baxay ee golaha Wakiiladda.

Xildhibaanadda ka soo baxay xisbiyadda mcuaaradka ah ee isbaahaysiga la sameeyay xildhibaanadda Kulmiye iyo sidoo kale qaar ka mida siyaasiyiinta taabacsan xukuumadda madaxweyne Biixi.

 

DAAWO: Wasiirka Koore Oo XIldhibaanadda La Dar-daarmaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here