Madaxweyne Biixi Oo Mudeeyay Fadhiga Koowaad Ee Golaha Wakiiladda Cusub

0
285

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu maanta xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay Lr. 13/082021  ku mudeeyay dhaarinta iyo kal-fadhiga koowaad ee golaha  Wakiillada cusub.

Fadhiga u horeeya ee golaha Wakiiladda Somaliland oo uu dastuurku awood u siiyay inuu madaxweynuhu isugu yeedho ayaa wareegtadan uu soo saaray waxa uu ku mudeeyay in la qabanayo Salaasadda todobaadkan.

 

Waxaanu madaxweyne Biixi wareegtadaasi ku sheegay in isagoo ka duulaya muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee mudanayaasha golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah.

Si ay iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka cusub si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaas darteed inuu go’aamiyay madaxweynuhu in fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo.

Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wareegtadaasina waxay u dhignayd sidan:

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here