Wasiir Kaahin: “Xisbiyada Mucaaradku Ha Ku Soo Noqdaan Xayndaabka Qarannimo Ee Somaliland oo Ka Fog Federaalka..”

0
875

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si qoto dheer u sharraxay taariikhda guusha iyo ilbaxanimada ee ku sidkan xisbiga KULMIYE.

Waxana uu sheegay in KULMIYE dalka geliyey tacab badan, horseedna ka noqday dedaalo midho dhalay oo dalka iyo dadkaba loogu horseeday horumar iyo guul taariikhi ah.

Wasiir Kaahin oo hadal ka jeediyay xaflad xisbiga Kulmiye ugu dabbal-degayay 20 guuradii ka soo wareegtay aasaaskii xisbigaasi, ayaa waxaa uu sidoo kale eedaymo kulul u jeediyay hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Wasiir Kaahin, ayaa waxaa uu xisbiyada mucaaradka ku eedeeyay inay rabaan federaalka Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay ku soo noqdaan xayndaabka qaranimo ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here